Poems

Dhallineey

Dhallintii waddankaay!

Dhab baan hadlayaaye,
Adoo dhimirkaaga
Ka dhaadhicinaaya
Warkayga dhegeeyso!
 
Ku dhaado dhulkaaga!
Ka dheefso dhurkiisa!
Ka dhawrso xumaanta!
Ku dhiirro wanaagga!
Dhibtaada aqoonso!
Adduunyada dheeho!
Ka dheego tacliinta!
Dhiggaa la xisaabtan!
 
Dhunyee qarankeenni
Haddaan dhisan weynno,
Dhallaanka koraaya
Maxaa u dhigaal ah,
Hadhow dhaxalkood ah,
Inanna dhaqan noo ah?