Poems

Waad Garan Lahaydeene

Hooyaallayey hooyaallayey, hoyaallayey hooye;

Warshadaha madfaca gaw leh iyo, gumuca beeraaya
Hubkan dunida kala gooshayee, gees walba u raacay
Ee aan xuduud lagu gartiyo, gogol-dhac loo yeelin
Aakeyga kii geela jirey, saaran garabkiisa
Intuu halista gaadhsiiyay baad, garan lahaydeene.
 
Inta gibil madow, inta gibil cad, gaaliyo Islaamba
Rag uun baa arlada gubee, waan la garanayne
Iyagaa gantaallada rakibay, mana gar-qaataane,
Waa kuwaa haweenkii guddiyay, geedkii nabadeede.
Geeliyo lo'dii buu jaray iyo, gaabanow adhiye
Geyi aan ugaadhiyo ku hadhin, diin gangaamaniye
Intuu gegida meyd jiifiyaad, garan lahaydeene,
Shimbirihii geyiga joogay ayaa, guuray oo qaxaye
In Hiroshiima gaadhsiisanyaad, garan lahaydeene,
Dhibtuu dunida gaadhsiiyay baad, garan lahaydeene.
 
Inta gibil madow, inta gibil cad, gaaliyo Islaamba
Rag uun baa arlada gubee, waan la garanayne
Iyagaa gantaallada rakibay, mana gar qaataane,
Waa kuwaa haweenkii guddiyey, geedkii nabadeede.
Colaad iyo waxay geysataad, garan lahaydeene
Inay gacalka naafeeysataad, garan lahaydeene
Gurbood inay agoomaysataad, garan lahaydeene
Odayada inay gawracdaad, garan lahaydeene
Inay dunida gaas-maas sudhaad, garan lahaydeene
Godob iyo wax baas inay tahaad, garan lahaydeene
Guryo negi inay ololisaad, garan lahaydeene
Intay halis gaadhsiisay baad, garan lahaydeene.
 
Inta gibil madow, inta gibil cad, gaaliyo Islaamba
Rag uun baa arlada gubee, waan la garanayne
Iyagaa gantaallada rakibay, mana gar qaataane,
Waa kuwaa haweenkii guddiyey, geedkii nabadeede.
Inay nabadi tahay geed hadhlaad, garan lahaydeene
Inay gacal xannaanaysataad, garan lahaydeene
Geel dhalay inay daaran tahaad, garan lahaydeene
Inay gaawe xoor badan tahaad, garan lahaydeene
Geyaan iyo jacayl inay tahaad, garan lahaydeene
Gelbis iyo aroos inay tahaad, garan lahaydeene
Inay goob farxadi taal tahaad, garan lahaydeene
Inay horumar gaadhsiisan tahaad, garan lahaydeene
Inay tahay guryo deyrka laad, garan lahaydeene
Inay tahay xariir lagu goglaad, garan lahaydeene
Gobaad inay ku iidaaman tahaad, garan lahaydeene
Inay tahay aqoon loo gudbaad, garan lahaydeene.
 
Inta gibil madow, inta gibil cad, gaaliyo Islaamba
Rag uun baa arlada gubee, waan la garanayne
Iyagaa gantaallada rakibay, mana gar qaataane,
Waa kuwaa haweenkii guddiyey, geedkii nabadeede.
 
Badda: Gabayga
Goorta la tiriyey: 05.12.2005
Goobta lagu tiriyey: Hargeysa
Mowduuca: Wayeellada hubka halista ah - fudud & culus - uu leeyahay