Poems

They Pounced at Dawn

Ooggii horay nagu keceen

 
Naagyahay awow iyo awow iyo abkaan sheegto
Iyo anigu abidkay ma arag iibsi lacageede
Aqdaan buu lahaan jirey raggaan ka isirraa waaye
Ol'olaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane
Maruun baan umaamaday waxaan aabbahay faline
Afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye
Albaabki Burcaan tegay anoo aaladii sida e
Amminkiiba lay yimid sidii eegi lay yahaye
Ooggii horay nagu kaceen adhi dillaalkiiye
Dar imaanka laga qaaday baa noo aloogsadaye
Amankaagay goortay wankii araxda tuujeene
Intaa weeye iyo ma ahadii la is-ilaaqaayey
Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye
Il maroojihii bay khatalay kii aan aaminaye
Afar bawlad laga gooyey bay igu asluubeene
Anigoo arkaayaa gamcaha laygu iibsadaye
Adhigaad i weydiinaysaan uun kalow baxaye
Kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene
Ushaa jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene
Ascaartaba rag bayga badshee idinku weydiiya