Poems

Gunaad

In dhoweydba gabaygii ma gelin, kala-gurkiisiiye

Googgooskiyo masafaadka iyo, guurow lagu heeso
Geeraarka maansada ma furin, gebiba suugaane
Murti gaawe lagu soo shubana, waan ka gaabsadaye,
Doc markaan gufeeyaba mid kalaa, galow ka yeedhaaye
Aan godaalsho caawoo kalaan, gorofka buuxshaaye.
 
Garrida iyo dhoobada markuu, Guulle naga uumay
Ee gibilkii Nebi Aadan iyo, Xaawa naga gooyey,
Tolow geedka yaa xaadhay ee, gurada kuu raaray,
Gadhwadeen ku yidhi waa tihiyo, lamaba gaadhaanka?
Gudcur talada lagu goostay baan, guulo lagu hayne,
Is garwaaqso Soomaaliyeey, garashadaa beene!
 
Geeshkaa dhanee nala degaa, gooni loo xidhaye
Godob aan la sababaynnin baa, guudka loo sudhaye,
Waa guuldarriyo hoog dhibkaan, laga garaabayne
Taariikh gurracan weeye oon, geesna qabanayne,
Odayada nabsiga soo galee, wali ku gaashaaman
Guntintay xidheen baan rabaa, inaynnu goynaaye.
 
Gunaad raagay weeyiyo hurgumo, gogosha noo taalle
Haddaynnaan gilgilashada xumaha, gacanta loo taagin
Innaguna garaad yarida taal, waa la gelaynaaye,
Odayada nabsiga soo galee, wali ku gaashaaman
Guntintay xidheen baan rabaa, inaynnu goynaaye.
 
Ummaddan gooni loo riixayee, geeska lagu feedhey
Guhaadday qabaan baa qalbigu, ila gariiraaye
Gaar loo faaquuqay naftani, hibasho goohdaaye
Gujadaa qanjaha laga geshaan, gama’ la diidaaye
Gardarrada dadkaa lagu falaan, gabax ilmeeyaaye,
Odayada nabsiga soo galee, wali ku gaashaaman
Guntintay xidheen baan rabaa, inaynnu goynaaye.
 
Soomaalay gob iyo waa gun iyo, kala gurkaad sheegtey
Gadh madoobahaad ciishay iyo, gabannadaad dooxday
Ganbooleyda aad baacsatiyo, gu’rintirkaad reebtey
Gashaantimaha guur beeley waa, gumaro kuu taalle,
Odayada nabsiga soo galee, wali ku gaashaaman
Guntintay xidheen baan rabaa, inaynnu goynaaye.
 
Aan gunaanadkii mariyo iyo, hadal guddoonkiise,
Waa giraan wareegaysa oo, dunidu waa guure
Hadhka labada gelin weeye oo, galabba waa cayne
Gabooyuhu guddoonshuu ahaan, gaadha meel sare’e
Geeddiga mar uun buu ku furi, guri barwaaqaade
Guushka iyo malabkuu ka guran, godammadeenniiye
Geelaa u dhaliyoo mar buu, gaaxda laba maali,
Insha Allaahu Guullaan baryee, way u geli maalin.
 
London, 2009