Poems

Kabbashada Cilmiga Gaaban Waa Lagu Kadeedmaaye

Xaqdarrada karoortaa mar bay, kadinka jiidhaaye,

Siyaadow karbaashkii dillaac, ay kabkabayeene
Haddaa kaahii soo baxay intay, qoysay kebeddiiye;
Kacaankii aan ku aamminay naftan iyo, ciiddan koboceeda
Een idhi: ’kanaa kayd u dhigi, kiinna dhalan doona,’
KGB haddaan uga baqdiyo, kaariyadan Ruushka,
Kitaabkii cuslaa iyo ma furin, dhaarti kululeeyde.
 
Kacaankiyo xisbina waa waddani, keenni oo run ahe
Hadba kaynta uu doorbido ayuu, keennu furayaaye
Hantiwadaagna keligii dal leh oo, keeney muu jirine
Oo kuma qabsado dawladdaan, kiisa saacidine
Waad korin dhaqaalahoo dhismaha, kor ugu qaaddaaye,
War ninkii Keremliinka siinayow, Kuubba iyo Ruushka
Koodaba ha doonteen hadday, kanniba saluugeene.
 
Wixiise kal hore aan sheegey baa, maanta soo kudaye
Kartidaa Siyaad iyo halkuu, uunku kohanaayo
Haddii ay kulmaan waxa ka dhalan, kayd aan madhanayne
Balse inay killaal nagu noqdeen, koobbiyadii Ruushka
Oo Kaastaro iyo Birishineef, koodu soconaayo
Oo aan karkaba Ina Siyaad, kaaga cidiba siinnin.
 
Kacaan iyo waddanigii inuu, kadinka boobaayo
Kuwa dhoofay mooyiye intii, keennan weli joogtay
Sida koron-dhabiilaha inuu, kediyey awrkiiba
Kambalka iyo reerkii inaan, kaynta uga yaacnay
Oo koor na loo xidhay tidhaa, ’kaa innaga eega’,
Oo koona-koonaha ishuun, kuluc ka siinaynno
Haddii uu kartiba leeyahoo, talaba keenaayo,
Kollayba anigu waa mid aan ogaa, waayo keligeeye
Kutubtaasaa ii marag ah iyo, koobbiyada yaalle
Kasbashada xisbigu inay xaq tahay, kooxdii lagu qaatay
Iyo inay kashkaash iyo gurteen, kooke daba-qaade,
Kormeer baa ku filan soo dulmara, kulammadoodiiye.
 
Anna yaan karaarine haddaan, koobo hadalkiiba;
Kudladdaa xisbiga maammushiyo, kooxdan maran eegey
Kacaan-diid waddani buu ahaa, maammul kaarahaye,
Kala-gooyayaal baan arkiyo, kud iyo waabeeye
Katame iyo Amxaaraa fadhida, show kuraasyadane
Kaxna waxaa ka dhigey uummiyii, kayn isu ekeeyne.
 
Kur-gooyada tacliintii la baday, kaalinta ay gaadhay
Korodhsiimo daayoo adoon, kiisa dhexe joogin
Markii Kaafka iyo Woowga uun, kooras lala aaday
Korkana lagaga soo dhacay naxwihii, kaydka dunidoo dhan,
Haddii aanad ka dhigin maalintaa, oonad kululaannin
Kansabkii ka soo baxay halkaa, kadabsan maayaane
Waa kararaggii sida duqsiga, dhamay karuur geele.
 
Kabbashadana cilmiga gaaban waa, lagu kadeedmaaye,
War kol mid gaadhay Moosko kaad, kooras yar u qaadday
Oo kowsi sheekada warkoo, kooban lagu siiyey
Oo keennan yimid oo haddana aad, kaalin adag saartay
Kursigana u qaba inay dhigeen, Kuubba iyo Ruushka
Oo kedis go’aankii ku yahay, kooxdan lagu saaray
Kalfadhiggana ruuxii ayida, karahsan oo diiddan
Kalsoonida Siyaad loo qabo iyo, koonka madaxdiisa
Kalbaxniga xisbiga uummiyii, kowda sugi waayay
Ee soo kallahay oo ayiday, kaalinta uu muujay
Kuwii naga baxsaday maalintii, Kuubba la eryaayay
Ee kulanka weyn iyo shirkii, koodba iman waayay
Ee koona-koonaha dadka uun, kala kaxeeynaayay,
Haddaan kiis intoo lagu dallaco, kaabad lagu tiirin
Markay koronkortay aasayaan, kobocdo ay naaxdo
Kacaanka iyo geeddiga wallee, waa kufinayaane.
 
Balse inaan kamma’ay oon lumoon, haatan kululaaday
Iyo inay kadeed soo wadaan, koox aan ka hadlaayay
Kol kalaa la faalleeyn wallee, kaaha soo baxaye
Kulligoodna inay wada yihiin, keennan cadowgiisa
Oon kalax yar loo darin waddani, koobna laga siinnin.
 
Inta Keremalliin soo baxshee, kaar sare u dhiibey
Ee Kuubba loo soo diree, keebka nagu hayso
Kalooniga raggeenii waxaa, gowda kaga saaray
Kumanyaalka le’diyo intaa, kaynta wada jiifta
Kolkaad eegto nimankaad ilmada, kobo’ ka siinayso
Korneyllada la wada dhaawacee, Kuubba naga laysay
Kadab muu xasuusteen nimay, kibis wadaageene
Kudladdani ma eegaan waxaa, kaday dalkoodiiye
Kursigiyo waxay dhawrayaan, kaalintaa adage.
 
Anna yaan karaarine haddaan, koobo hadalkiiba
Kur-gooyada cadliga ay badeen, kaalinta ay gaadhay
Bal dembiga ninkii kula kohdee, kiiska kugu oogay
Kursigana fadhiistoo isagii, koodhki kugu qaaday
Oo keligii maammuloo waxani, aniga waa ii kow.
 
Bal kaxeeyntii askari buu ahaa, keeniddii hore        
Markii xigayna xeer-koobiyihii, ii kitaab dayay
Markii xigayna maraggii igu kabay, kii uu keensadaye
Markii xigayna koodhkaba hayihii, kiiska maammulayay,
Kalsoonay ka haystaan markaa, kaabadaha adage
Haddii markaa kormeer soo galiyo, kedis la eegaayo
Kelyo uma lahaadeen raggani, shay kur-gooyo ah,
Anigase iyo kooxdan yare, koodhka wada joogta
Een kaayagii galay dembiga, kiiska lagu qaadin
Aniguna kadeed iyo waxaan, kadayo mooyaane,
Kufraan ahay haddaan dhexgalo, shay kacaannimo’e
Kedis yaanay ku noqon uummiyihii, waaba kalagguure.