Poems

Gocasho

Nimaankaa naftoodii gabaye wada galiilyaysan

Nimankaa naftoodii gubee wada gawaamaaya
Nimankaan garsooriyo lahayn garasho wayeelba,
 
Ganboor iyo waxay daaqayaan geed Ilaah nacaye
Gawaan iyo waxay yuururaan guri xashiish weyne
Goolaftankaa kaaga daran geesiyo is moodka
Galladi waata Eebbee markuu gabay masuulkiiba
Gabadhiyo carruurtii markuu gooyey ehelkiiba
Ee uu gasiinkii ka jaray guri xanaankiiba.
 
Ee gacalo waa hooyo ee gubatay tiiraanyo,
Labadeeda geesood markuu gaalku kala jiitay
Gidigii haneenkii waxay gawdh la ledi wayday
Gurmad iyo markii aanay hayn aabbe garab taagan
Ee iniba gees aaddey ee talo ku gawdhiidhay
Gabbal dhaciyo waagii beryaba gocasho ooyayaso
Inta ay gacamaa hoorsatay Guule baridaaye
 
Iskuullada markay geyso bay gur u dhaqadaye
Guntigay u xidhataa ilayn hawshii uu gabaye
Gasiin iyo waxay raadisaa shoping-kii go'aye
Gaadhi bay ka soo buuxisaa gurigii keentaye
 
Iyadoo harraad gawracan oo gaajo socon waydey
Ayay dheri gangaantaa haddana gaar u karisaye
Galabnimo markay gaadho ee wakhtigu gaabto
Gucla orod ma daysee haddana ubadkii goobtaaye
Sida goodirkiyo cawsha bay gooni socotaaye
Galabtii ayuun bay baxan gabannadii qaare,
 
Sida galawga iyo fiinta oo uu gudgude haysto
Inta uu nafluhu gama'san yahay gaadh ayay tahaye
Gaaf wareeg ayuu ugu baryaa waagu galacdiiye
 
Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxan ku soo gaabshay
Hooyada guhaaddaa qabteen laga garaabaynin
Hooyada raggeedii gabaye gaabagebaw taagan
Guullaha Ilaahow adaa garan wax meel yaalle
Adigaa gartaa goynayoo gooni kuu tahaye
Adigaa garsoor taama iyo gaadh-hayow u diriye
 
Mar haddaanan gumuc iyo rasaas kugu garayanin
Ama geed qudhaanjo leh tolkaa kugu gigsiinaynin
Waa inoo godkii Aakhiriyo Golihii Waaynaa dheh!!!!