Poems

Dhabeel

Dhawaaq gabay Cabdow waayadan, waanigii dhigaye

Ma dhaqaajin maansooyinkii, dhumucda weynaaye,
In kastoon dhab uga aammusoon, daayay dhihiddiisa
Wax uun dhiigga kiciyaa jiroo, dhibay naftaydiiye,
Aan kuu dhambalo waayada waad, i dhursugeyseene.
 
Dheddiggaba dhammaantii haddaan, dheehdey badankooda
Haddii aan dhexmaray suuqyadoon, dumarka dhuudhaafay
Kolkii aan dhankaas iyo dhankaas, xaafadaha dhaafay
Waxaan dhugasho eegaba markaan, dhiirri ugu meerey
Anigoo ka soo dhoofayoon, helin mid dhaydaas ah
Ayuun bay dharaar soo mudh tidhi, dhoolla-quruxleeye.
 
Dhererkeedu waa meel dhexaad, dhumucna buuxdaaye
Dhabankeedu waa curub intuu, dhiibsanyahay nuurka
Dhaqaaq socodka miisanka wacan, dheelli laga waaye
Dharka xidhadka hubqaadkay haween, quruxda dhaafsiisay
Waa dhal awliyaad odhanaysaa, dhaabbadday tahaye.
 
Cid dhibtiyo cid dhiiftiyo ma arag, cadow dhirbaaxdiiye
Cid dhiiddiyo cid dhalandhoolisiyo, dhoohne laga rowye
Dhakafaar cid gaadhsiisa iyo, nacab umay dhixine
Wali waa dhallaan oo goshii, hooydaw dhab ahe
Dhulkii ay ku dhalatay xarrago, laafya dhufataaye
Dhigashada tacliintay duruus, buug ku dhurataaye
Faralkuna ma dhaafiyo sujuud, Eebbe loo dhigiye
Dhawrsanaanta edebteeda wacan, waan la dhaygagaye
Mid u dhiganta lama uumin oo, dhaar anaa maraye.
 
Haddaan dhinaca sharafteeda wacan, dhegaha kuu miiso;
Hibo waa dhammeeysaye hablaha, taan ka dhawrtaba'e,
Hooyo fiira-dheer baa dhashoo, dhawrtay magaceeda
Dhiirrane waa aabbaheed oo, lama-dhaqaajaan ah
Reer dhammays ah bay leedahoo, toonsan dhinaceeda
Waa miduu Ilaahay dhildhilay, dheeha-quruxleeye
Waa middaa xishoodkii dhammaa, laabta loo dhigaye
Waa mid aan irdaha dhaafin oo, suuqa dhalahyeyne.
 
Reer dhaqasho way leedihiyo, guri dhiskiisiiye
Dhabeel weeye gaariya yartani, mid an la dhaafayne
Siday dhamastu geedaha ku tay, dumar wax dheertaaye
Waa qof lagu dhintaa loo dhintaa, lala dhammeeyaaye
Dhimashada horteed waa inaan, yarad ka dhiibaaye.
 
Nimuu caashaq dhuuxiisa galay, waw dhutinayaaye
Waa u dhiigyaraan ruux jacayl, dhibay naftiisiiye
 
Dhaqaaq-joogsi baan aawadeed, dhagaxda jiidhaaye
Ka dhuyaalay soortii darteed, dhuuni iyo oone
Nimuu dhimirku noolyaan ahoo, dhaawac weyn qaba'e
Dhididkaan tiraa goor dadkaba, dhaxani haysaaye
Dhalcadaan intaa duurayaa, duhur dharaareede
Ninkii hadal mar dhaafsaday warkani, wuu u dhacayaaye.
 
Inta aanan Dhammayseey aroos, dhiibsan kugu hoynnin
Inta aan caweys loo dhanyahay, dhaanto la ciyaarin
Dhugta sacabka dheel iyo mashxarad, laga dhawaaqsiinnin
Dhallaankeenna oo koray durduro, dhababacaynaynnin,
Allow aan god lay dhigin xabaal, dhinaca lay jiifin!