Poems

Murugo: Weerarkii Qasa

Madaxay bukoo,

Mooraalka iyo,
Maanka iyo jasmiga,
Meel ii fayoow,
Marna lama arkoo,
Waxaan ahay madluun.
Mashaqada dhacdee,
Maato dooxistiyo,
Makrigiyo dilkiyo,
Moora-duugista ah;
Maydka teedsan ee,
Marinnada Qasiyo,
Masjidkii Aqsiyo,
Ciiddii mudnayd,
Maalin iyo alleyl,
Sidii maqal dhurwaa,
Mus-duleed ka helay,
Ma-huraanka wadhan,
Marka aan arkaan,
Murugoonayaa!
 
Muslimkii tarmee,
Meelkastaba arlada,
Meegaarsanaa,
Midh subxaanalliyo,
Waa lama filee,
Macmacaanka iyo,
Marfish iyo qaxwiyo,
Muusik iyo wigliyo,
Masrax iyo balwiyo,
Maaweeladay,
Ku mashquulsanyiin,
Marka aan arkaan,
Murugoonayaa!
 
Madaxdii Carbeed,
Magacood ba’yoow,
Iyadoo Madiix,
Maandeeq la dhacay,
Maxastii la gubay,
Maalkii la xaday,
Markiskii Aqsana,
Lagu meersan yahay,
Muhmal iyo qisadan,
Madmadow ka dheer,
Mashaqadan dhacdiyo,
Maamuus li’ida,
Musliimkii dul taal,
Iyagoo Mataan,
Ka markhaatiyay,
Muusoonayaan!
 
Magacood ba’aa
Madal loo dhan yahay,
Mahwi iyo bannaan,
Marta lagaga furay,
Ee inay mar qudha,
Maya ay dhahaan,
Ka mannaagayee,
Iyagoo makalan,
Marxabbaynayee,
Sacab iyo mashxarad,
La madiidanka ah;
Marka aan arkaan,
Murugoonayaa!
 
Muxsinoow adaa,
Murtidiyo fankiyo
Miigganaanta gabay,
Mayalkaw hayee,
Masafada dhammee.
 
Mustafoow walaal,
Eraygaaga mudan,
Murtidaada togan,
Mayalkaaga kulul,
Maydalkaaga adag
Iyo moorahdii,
Midhihii Darwiish,
Midigtaada saar,
Maansada adaa,
Miiddii hayee,
Masafada dhammee.
 
Mawloow adaan,
Moogayn cidnoo,
Daalim iyo Madluum
Kala meeriyoo,
Xaqa muujiyee,
Waxaan kaa martiyay,
Ducadaan marshee
Sacabbada marnaba
Aanan hoos u miyin
Iiga yeel maqbuul.