Poems

Mandheela

Gabay-yahaw i maqal;

Madax-yahaw rimmani
Jiiftada madiix;
Masafooy gadood;
Maax-yahay ha gudhin.
 
Inta uu mudduci
Madal-weyne yimi,
Wax kastuu marsado
Marlay kiiska qabo;
Oo maddaacalii
Maanshaa allee,
Garta madax ka yahay
Ka markhaati yahay
Sharcigana matalo,
 
Madfac-yahaw ha damin;
Mujrim-yahaw ha ladin;
Maskax-yahay godlani
Maansada ha dayn.
 
Qalin-yahaw mindiyo
Ii noqo maddane;
Ku marriimo dhiig;
Kuna maydho ciin.
 
Khadkan hoo murka ah;
Kii macallinka ah
Ee midab-caska ah.
 
Ku dhig heestan milil;
Maaleey qadhaadh
Dacar lagu margado.
 
Maarrahaan sitiyo
Kalaashkoofka mudan,
Midig aad tartide
"Madad" baan ku idhi.
 
Maska ubadka jaray
Dhiiggana ku mamay
Ila moora-duug.
 
Murti iyo higgaad
Maxlal aan ku dhalan,
Ninna macasha qaban
Waa meeqa odhan,
Ku macsuun tix aan
Maamuus ku ladhay,
Maandheela iyo
Muudaaga xumi
Dad wuxuu makalay;
Ama reer muskood
Kaga dhigay maxbuus.
 
Afartaa miscirir
Mus-duleed u daa;
Mid kaleeto waa
"Maqaleey war-laay
Ma laguu warramay?"
 
Waxaan ahay madluun
Godobtiisa maqan,
U maleegan oo
"Maya" yidhi dulliga
 
Waan miigganahay;
Nin mannaagayoo
Macaluul darteed
Milgo-beelayoo,
Maalkiisa dhacan
Marti inu ku yahay
La marsiinayiyo,
Mana ihi miskiin
Ninna muuno iyo
Naxariis ka mudan.
 
Nacas muruq is-biday
Markuu dhabanka bidix
Farba meel ku dhigo,
Sidii Nabi Masiix
Dhanka midig u dhiib,
Mawd baan ka xigay.
 
Ninka midho-yariyo
Madi garab lahayn
Ii malaynayiyo,
Muska tiidsanee
Igu meersanee
Madaw iyo cadba leh,
Een mawqifkiyo
Mitidkaanu nahay
Ku midaysan nahay,
Kala maan ahaa.
 
Uurkayga madhan
Muruqyada i fagan,
Murugada naftiyo
Dabarkaygu maran,
Mucsurkaan qabaa,
Waa miino iyo
Meleg aasanoo,
Mar inay qarxaan
Ku muddaysanoo,
Wixii lay marshiyo
Waxan maaganahay
Kala maan ahaa.
 
Maanshee la yidhi
Xaaqinkaa murxee
Dhul madhaa ma jiro.
 
Miciyihi darraa
Ee igu mudnaa,
Mariidkiyo suntii
Maaradoodi helay.
 
Haddaan maahsanaa
Miyir-doorsanaa,
Miiraabay oo
Mugga waan il-baxay.
 
Majaraan hayaa
Duul hore u maray
Ay mahadiyeen.
 
Afartaa mullaax
Uga maydhax-diir,
Mid kaleeto waa
Hadal waa murtiye
Maqal Abu-hadroow.
 
Tixdu waa mag-dheba;
Nin kastoo mitida
Oo madiidin neceb,
Waa madhax u yaal.
 
Waa muuno iyo
Taallo aan u muday,
Maandheela iyo
Cidda uu matalo;
Magli baan ku qoray.
 
Adna Maxamadoow
Maansadu nin geya
Kama maarantee,
Mayalkeeda qabo.
Gumaystaha ku maag.
Madaxoo la rogo
Iyo midab-takoor,
Inaynaan mareeg
Marna qaadanayn,
Ninka mooggan iyo
Macal-cune dhacsii.
Miliqsade ka nixi.
Hal-muceedyadii
Mari aad tiqiin;
Oo mahadho iyo
Maahmaah ka reeb.
 
Kana marag ahaw
Rag hadday murmaan,
Mabda'eenu waa
Isagoon mugdiyo
Madmadoow ku jirin,
Maantiyo berriba
Malafsade ha dhaco;
Xalaal-maal ha jiro;
Dadku waa masee
Ha mudh-baxo cadligu