Poems

Beri Hore Waxaa Jirey

Beri hore waxaa jirey,

Inan timaha biiftoo
Baarkana u tidicdoo
Boqorkiyo Dhaclaha iyo
Maro bayd ah xidhatee.
 
Wax beddeley kuwii hore,
Belo geeso dheeroo
Buul madaxa saartoo
Suuqa baratamaayee.
 
Naa, bi’isey dhaqankii!
Sharcigii ka baydhoo
Diintii burburisee,
Hablow mays badh qabataan!
 
=====================
 
Boqol sano horteed iyo
Beri hore wixii jirey
Ee layska baal-maray,
Budulkii dib haw qaban
Laga soo boqoolee.
 
Haatan beretan iyo orod
Bisha iyo cadceeddiyo
Beesha loo horseedoo
Aannu beegsanaynnaa.
 
Horta baro tacliintiyo
Buuggiyo dhigaalkoo,
Badowyahow dib haw celin
Dadkan soo baraarugay!
 
=====================
 
Beri hore waxaa jirey,
Inan aan bil iyo laba
Hadal kaaga bixinoo
Raggu baadiggoobaad
Beryo arag ku waydaa.
 
Wax beddeley kuwii hore,
Casarkii dar baxayoo
Kiish buuran qaatiyo
Budhcad dibadda meertee.
 
Naa, bi’isey dhaqankii!
Sharcigii ka baydhoo
Diintii burburisee,
Hablow mays badh qabataan!
 
===================
 
Ilaahii bad iyo webi
Biyahooda daadshee
Meel kula ballamayee,
Dhulka baaxadda lihiyo
Buuraha rakibay baa;
 
Banii’aadmigiisana
Ruuxba cayn u beeree
Waad baadiyowdeen
Cidi kulama baydhine.
 
Horta baro tacliintiyo
Buuggiyo dhigaalkoo,
Badowyahow dib haw celin
Dadkan soo baraarugay!
 
===================
 
Beri hore waxaa jirey,
Inan Baarax geel iyo
Faraskii Baxdow ahba
Yarad looga bixiyaa
Buntuukhana la raacshaa.
 
Wax beddeley kuwii hore,
Isu-boga badh maqanoo
Bahdii ay ka dhalatiyo
Baylihisey waanee.
 
Naa bi’isey dhaqankii
Sharcigii ka baydhoo
Diintii burburisee,
Hablow mays badh qabataan!
 
=====================
 
Baarax geel ah iyo faras
Iyo boqon-yaraha adhi
Hablii lagu beddeli jirey,
Diintaynnu baranniyo
Ma banneeyn Kitaabkuye.
 
Booliquutayaashii
Beecsan jirey haweenkiyo
Baaxadsoorihii tegey
Maanta looma baahnee.
 
Horta baro tacliintiyo
Buuggiyo dhigaalkoo,
Badowyahow dib haw celin
Dadkan soo baraarugay!