Poems

Ishii Qurxda ka Dheregtey

Garoowe, 2010

Badda Batarka
Maansadu waxay tilmaamaysaa gabadh Soomaaliyeed oo gu' barwaaqo ah baaddiye joogta.
Gugu waa gugii Ballaadhane ee sannadkii 1934tii.
Meeshuna waa Hawdka magaalada Burco.
Gabadha magaceedu waa Barni.
 
Gugu waa Ballaadhane,
Meeshu waa ballida Hawd
Burco meel galbeed ka ah,
Bancawl geeddi iyo laba
Bogox looga sii kaco
Bidixna loo janjeedhsado.
 
Barni weeye gabadhuna
Ma badnoo da'deeduna
Tobankii u buuxsamay
Toddobadi ku biirtiyo
Bilo raacay weeyaan.
Waa bilan tagoog dheer
Bilicsanoo la jecelyahay.
 
Deegaanku bari xalay;
Billowgii horreetaba
Idahaa baraarugay
Una baaqay naylaha,
Barni way maqleysoo
Waabberi bay toostoo
Bisinkiyo baryo Alley
Ku balleeysay subaxoo.
 
Baftadeedi xidhatoo
Beerkey ku laashoo
Ma laallaadin boqorkii
Waxay hawl ku baahdaba,
Haddan oo barqa ah dheer
Barni waxay dhex joogtaa
Bulshaweynta dooxada,
Halka rahu ka bu'ayoo
Buuqa isku darayoo
Shimbiruhu bulxamayaan
Biyo muguca weeyaan,
Adhyii oo barqaday baa
Berrimada is wada wadhay
Oo dharag bastood la ah,
Lo'dii baa bannaaxiyi,
Fardo baydda togayaa
Baarkiyo qanaantiyo
Bulkiyo saynta wada ridi,
Barbaarta geela jirataa
Bardooddiyeysa orodkoo
Bowdyo muruqyo adag iyo
Booddada libaaxa leh,
Baad jilicsan iyo doog,
Bar cuddoon nirgaha seexdoo
Isbarkaday dhammaanoo
Bulbusha kurusyada
Neecowdu baalbaashoo,
Markay ‘buuc' yiraahdaan
Ramag baasha dhow iyo
Barbarrada ka joogaa
Baaca dheer tusaayoo
Bogga uga dunuunuci,
Baarqabkuna ilaaliyo
Bidhaan eegid uu yahay
Gaadiidka baayiray
Owraha baruurtiyo
Baaxaddiyo laxaadka leh
Oo boodh iyo gelgelin tegeyoo
Ku baduugay raamsiga,
Barni daawashiyo qurux
Way bogatay maantaas.