Poems

Jahawareer

Wiilkaan jeclaayee

Jamaal Eebbe siiyiyo
Jawhara-la-moodkii,
Dhankuu iga jiraa, tolow?
 
Jeedaalo deydeyey
Jalleecada indhuu tabe
Jahawareerka igu dhacay
Jaha kasta ka eegee,
Dhankuu iga jiraa, tolow?
 
Intuu jiifo aadmigu
Hurdo wayga jarantahay,
Jabaqdii dhaqaaqdaba
Waan juuq dhegeystaa.
 
Jalka iyo biyaha iyo
Uma jeesto oontoo
Waan jidiinqallalayoo
Jaynafkaa dibnaha iyo
Jiilku waygu go'an yahay.
 
Immisuu jir da'ay iyo
Dhibic jawda haysiyo
Jibin roobku tuuriyo
Daad soo jaguugliyo
Jirridda-gooye ila tegey.
 
Intaan jiidhey buuraa
Ama jeexey kaymaa,
Waxa aan jid dheer maray
Ama gebiyo ila jabay,
Joog ima tidhaahdee
Naftu igu jujuubtoon
Jar ka duulay awgaa.
 
Intaan jeerin qodax liyo
Jiic iyo maraag iyo
Bilcil jeenyo dheer iyo
Jillabka iyo marabboob
Sogsog jiitey awgaa.
 
Jilbiska iyo halaqiyo
Jebis iyo mas duubnaa
Jeefaaf abeeso leh
Inta aan ku joogsaday
Ee jiidhay badanaa.
 
Naf jacayl wareemoo
Dhuuxa uu jejebiyoo
Jeegada u taalloo
Jamanaysa muuqaa
Jabka iyo halaaggaa
Uma jeedo, gacalow! 
 
Jamaal, awdaa baan
Jooflaha libaaxoo
Jiriqsanaaya micidoo
Intuu Jaawo geel heley
Kala jaray halbowlaa.
 
Isagoo jiriidkiyo
Jeenyaha isdhafshoo
Juruqsanaaya dhiiggaan
Jabada kula negaado
Jaahiisa u eegoo
Ula jaaray awgaa.
 
Jiliflow maroodigu
Markuu jiido gacankee
Dhirta uu jibaaxee
Laamaha jejebiyana,
Naftu kama jidh-diiddoo
Kama jixinjixootoo
Jidhiidhico ma qabatoo,
Jamaal aawadaa baan
Jabada kula negaadoo
Jaahiisa u eegoo
Ula jaaray awgaa.
 
Waxse aan jabkaas iyo
Jirrabkaa u marayaa
Jacaylkaaga weeyee,
Dhankuu iga jiraa, tolow!
  
London, 04.06.2009