Poems

Daalacan

Ma da’furin ogaalkay

Xaska dabada maan gelin
derejada ilhaamkiyo
hibadii dalaysnayd
uma dhiibin duudduub
Weli Dalawadaydii
Doobigeedi may dhimin
Dibu-dhigasho mooyee
Wax is doorshey may dhicin
Afartaa xan durugtiyo
Danni jira wax sheeggii
 
rag hadduu dagaal galo
Danta guud xilkeediyo
U dareero fuullaan
Ashkir deeddan badiyaan
xakamaha la doontaa
Duullaanka kama hadho
 
gaarriyoow dugaalkiyo
Shaxda Delebka taallee
Daawashiyo cayaarba leh
Sirmaqabe ku diirsaday
Aniguna hog baan degey
Digba waa digteedee
Deelleydu waa laba
 
Afartaasi waa duud
Arrin wadata diirkeed
Dulmar gabaygu lee yahay
 
marka dooddu kulushahay
daldaloollo muuqdaan
Doogashada qabiilkiyo
Dacar iyo ladh soo kaco
Nabaradu dillaacaan
dadku kala qaloodaan
Marka dhidar ku daadego
Booraan dahsoonoo
Hilbo laga diqoodoo
Damac-beelay yaalliin
Dabadeedna uuskiyo
Duufkiyo xumaystii
debedda ula soo baxo
Dadku shaamareeraan
Neecaw delleganoo
Doorsoontay uriyaan
Waxan ahay dareenkii
Noqon jirey daruurtee
Sidii roobka di’i jirey
Dalka wada dhammayn jiray
 
Indhaweyto daaf iyo
Cudur daansha socodoo
Duulduulay baa jirey
Daacuunse maahee
Asal-tira-ma doorshuhu
Duraygay abuureen
Ma og tahay nin doorkiyo
Inta neceb dir soocee
Derejeysa qarankiyo
Durdurrada aqoontiyo
Qalinkiyo Dawaadiyo
Deelleyda curatiyo
Innagaa ka daba tegi
Durbaankay tuntumayaan
Dawankaynu sidannaa
sida danaba u baab’in
Dugsadaha qabiilkiyo
Dib-ka-naaxa shaac baxay
Diga-rogashadeennii
Iyo dawladnimadii
Dib inay u celiyaan
Qorshahayga kuma darin
Nin kastaa ha duudsiyo
Ama dala’si haw xado
Ama duurka haw xulo
Ama dabinno haw dhigo
ama duhur ha weeraro
Ama damac ha dhaafsado
Gobannimadu waa degel
Dayax iyo iftiin nool
Dumimeyso weligeed
Anigaa dabka u sida
Dal-jirkeedi baan ahay
ninka xagal-ka-daaciyo
Goldaloola iga hela
Isaga iyo digtoonkii
Anigiyo dagnaantay
Taariikhdu duuggeed
Diiwaanka qarankiyo
Wixii deyn cad ii qoran
Dirirtiyo rogaalkay
 
Dahabka iyo maartiyo
lacag aan Dur wadannoo
Laba daabac sidatiyo
Dalaga iyo beeraha
dacalada Shabeelliyo
webiyada dugsaniyiyo
Danbarsada labeentiyo
Dirirradu habaaskiyo
Dusha sare ka maydhaan
Daarahan casuustaleh
Kolba midab la doortiyo
Diibka lagu mariimee
Shanta Datsun yaalliin
Hanti aan dal dheer iyo
laga keenin dibadaa
Karti iyo dedaaliyo
dardar lagula soo bixin
Duullaanna loo gelin
Duco waalid soo hoyn
Carshigana ka soo degin
Deeqdaa la yaabka leh
Ninka weel darsanayee
digashada saboolkiyo
Ku darsaday badheedhaha
Miyaan eedi daba ool
Godobtiisu dedanaa
 
Bulshadeenu waa duul
Daacad iyo xishood badan
Dun xariira weeyaan
Cidna uma darraadaan
Dar Allay ku dhaqantaa
Dareen waw dhegweyn tahay
Ogow doqonse maahee
Qofka maamul dalabliyo
Dabbaal-joogto hoosiyo
Dibindaabyo ugu maqan
Degdeg uma tilmaamaan
Nabar kulama duulaan
Dib bay ugu muddaystaan
Dulmigiisu waw kayd
 
Afartaa dun quruxliyo
Diillimaha Biciidkiyo
Dildilaha farshaxankiyo
sida delebka ma dhigay
Mid kalaase ii dihin
weli dooddu ii furan
 
Maansadan dabayshiyo
Duufaan sidiisii
Dalandool u socotee
Dalladii qabiilkiyo
Xidhan waranki deyllaa
Laga furay daboolkii
lagu gado dukaamada
Miyaan xeer dabbaaliyo
Sharci laba-dibleeyiyo
Dar u qaybsan loo hayn
Toloow daaya yaa yidhi
Duumadan xanuunka leh
Kuwa luuqda daba dhigay
Denbi miyaanu qabanayn
 
Dulucdiyo ujeeddada
Runta aan u daadego
Ducda hadalku waa hee
Inta gaajo doob tahay
Derbi tahay laxaad weyn
Dufan-jecesha ururtiyo
Dibna-leeftatarantee
Doorka maanta soo baxay
Dabatadu sad roon tahay
waxa yaal daldalayaan
Danyartiyo saboolkuna
Diingaraaro jiifaan
Dadku kala sarreeyaan
In qabiilku dabar-go’
Ama dumo ha eegina
Cilmi diidayaa jira
 
Deegaanta noloshiyo
Darantiyo samaantana
Ninkii doonayoow taas
Daw loo maraa jira
Umad yahay daryeelkaa
isku duubnidaa iyo
Adigiyo dedaalkaa
Dawadaadu waa taas
Dhan hadday ka debecdana
Gabbalkaa dam weeyaan
Ma dardaaran baa hadhay
Deexashada tusaalaha
Ama talada deeqda ah
Miyaad dood ka leedahay
 
Geenyadaydi Daalacan
Dabar saari maayee
Dibso aan idhaahdoo
Dagagara ayaamee
Sulmakii darbane mee
Dalandaliska Naylaha
Doonnanteenan boqorka leh
Deelleyda baaqa ah
Darka laaska beeshiyo
Duunyadu isugu timi
Dalbashada wadaantiyo
Adaa doojinteediyo
Haya dawliskeedoo
Dulqulaalka xanankiyo
Dogobkiyo Huuddiyo
Waxa tahay Bir-daaqeen
Ardaydiisa dooddiyo
deeqsiiya hadalkee
Sangahaagi Doolaal
mar labaad ha dananee
majaraha u sii daa
Sheekadu ha durugtee
Dawi Maxamed Xaashoow
Aniguna ku dayashada
Haddaan dayro kaa dhigo
Anaa daawadii furay
Waa innoo dantaas guud
Deelka-xeel-la’aaneed
Carrab dalab-la’aaneed