Poems

Baxsanow

Intaan bukto jiifto oo

Bustaha iyo gogosha iyo
barkimo aay daashatoo
La soo booqdo aan ahaa
 
Intaan beer cadaaday oo
Biyaha iyo oonta iyo
Baadkii aan ka soomayoo
Bishmiyo dibmihii ka xedhay,
 
Intaan talo baah sanayad
Baandheeyey warkeedo
Buugiyo qorihii furoo
Baabkii noloshayada galay
 
Dadkoo badankii hordoo
Habeenkii uu badh tegay
Ayaan baasaha aduun
Layeesha hawlo badan.
 
Bariidadu waydhibtaa
Baashalkii waan kago’ay
Sidii aan bayr qaban 
Anigu baadiyoobayoo
Bananka wareegyaa
 
Beerkiyo wadanahuu degoo
Bariinsaday caashaqii
Boogtii uu igu dhigaan
Bulshada ka ilaaliya
Baal daaq ban keli la ahay
 
Budaydid iyo aragtidii
Bartii dhegaha iyo maqal
Basaasoo awadoo
Cidlay kaa baafiyaayoo
 
Intaan babbaca iyo dhagx
Burciidoo aad u kulul
Bacaadka lugeeyeyoo 
Cad ceeda baqoolayoo
Baraadli socod ku maray
 
Intaa bayhoofayoo 
Booramaha jiidhayoo
Biimayey naftayda oon
Dartaa bohlaha u galay
 
Dhamaan baalayda
Banjoogta ugaadhaiyo
Bulaale libaaxa iyo
Baraale shabeelkaiyo
Bahwyntii habar dugaag
Bankiyo aydaba la degey
 
Waxaan basan basanahay 
Basiirad kur kaygu yahay
Basaasta jidh kaygu qabo
Waxaa iga bin laha
Baxsanow waa argtidaa
 
Bogaa kuu oomanoo
Bawluhu dhiigii ma habo
Bishmuhu hadal way gabeen
Indhu bidhiqi day hayaan
 
Buruudkii inaan ragow
Badheedhah geesigow
Bildhalad kaandoortayow
Birr labtii en jabayan 
Bayaan baa loo xushaa
Ragaba kaan kala baxoow!!!!!
 
Waxaan ku badhaadhi laa
Busharada faraxaliyo
Bil khayr ii noqon lahaa
Naftani ku bogsoon lahayd 
Bidhaantaadoo qudhee 
Hadmaan baxsanow ku heli?