Poems

Aadmi

Aadmiyahaw hallaysani!

Ambadyahaw wareersani!
Maqal ereyadaydoo!
 
Buuraha ag joogsoo
Amakaag daraaddii,
Ilmo gabax ka siiyoo!
 
Cirka sare u eegoo
Xiddiggaha astaysoo
Arag felegga meeroo!
 
Onkodkiyo hillaaciyo
Ufadaa dhacaysiyo
Uurada waraysoo.
 
Ololkeeda Gooraan
Aammus oo dhegeysoo
Shimbiraha la ooyoo.
 
Badda "aw"-da haysiyo
Waxa uurka ugu jira
Axadhoo garwaaqsoo.
 
Dhulka aad u baadhoo,
Webiyada ordaayiyo
Daruuraha indheeyoo.
 
Oogada jalleecoo
Ciirada aroortiyo
Dabaylaha af gara oo.
 
Uduggooda kaymaha
Urso oo jeclaysoo
Ku ilwaadso dooggoo.
 
U abtiri naflaydoo
Ayaamaha tilmaansoo
Aabiga bilaashka ah,
Waa inaad illowdaa!
 
Afaggaalayaashiyo
Cadceeddeenna oloshiyo
Awrka samada yaa yidhi,
Aadmigay u shidanyiin?
 
Ifkoon cidi ku uunnayn,
Miyaan Dirirku oognayn?
Ururradu miyaanay
Kaa ayni weynayn?
Ilayskooda goormaa
Loo daaray awgaa?
 
Hadmaa felegga oosha ah
Amar buuxa lagu yidhi
Ku ekaw dadkoo qudha?
 
Haddaad eegga madhataan,
Miyaanuu iftiimayn,
Sidiisaa ahaanayn?
 
Aadmiyahaw hallaysani!
Amarkaagu waa been!
Waxaad uur wadaagtaan
Ugaadhaa wareegtoo
Ugbaadkiyo caleentaad
Uur wada gasheenoo.
 
Uumiyaha dhammaantii
Ilma-adeer gudboon iyo
Isir baad tihiinoo;
Noolahaad arkaysaa
Waa ul iyo diirkeed;
Waa sida indhaha oo
Kolkay midi ilmaysaa
Ta kaleeto ooydaa;
Looma uumin keligaa
Inay kuu adeegaan.
 Ammuuraha badh baa sir ah;
Sida xaal u eg yahay
Ujeeddadu ka xeeldheer.
 
 
(14 June 1973)