Poems

Garnaqsi

"Waxan ahay Gabooyee,

Ma i guursanaysaan?!"
Xalay gelin dhexaadkii,
Goor ay saqdii dhexe
Goorsheegtu labadii,
Oo gaw' ah ay tahay,
Sow kadinka gurigii,
Qof garaacay maan maqal!
"Waa kuma" garwaaqsaday,
"Waa gabadh" ayay tidhi,
"Maxaad goobaysaa" idhi,
Waxay tidhi "aan soo galo",
Waxan idhi "gobaadeey,
Marti goor xun socotaa,
Xaal guuna weeyee,
Ku gartaye bal soo soco"
"Mahadsanid guddoomaye,
Hadalbaa i gubayee,
Horta iga gur bay" tidhi.
"Soo dhig golaha" baan idhi.
Waxay tidhi “geddaydaas,
Ruux gabadha baan ahay,
Iyo inan gashaantiya,
Gurigayga mooyee,
Uma hooyan goob kale,
Weli wiil gayaan ahi,
Garayskayga muu furin,
Gosha iyo dhabtaydana,
Weli ruux kumuu gam'in.
Gurrac iyo danaysiga,
Gaagaabsi maan barin,
Guullaha Ilaahay,
Xadhiggiisa maan goyn!
Qur'aankana had iyo goor,
Gacantayda kama dhigo.
Dadka gaar kamaan noqon,
Hooyana ma gaasirin,
Aabbona ma gabin weli,
Geddigoodna maan nicin.
Kama guurin dhaqankii,
Hiddihiina kama gudhin,
Gobonnimada sharafta leh,
Weli gees kamaan marin.
Raggu guud ahaantood,
Kaan galab is barannaa,
Weli gaabsi mooyee,
Iima soo bandhigin guur.
Mid kastana gefkiisiyo,
Dareenkiisa gubayuu,
Ku gabbood fal leeyahay,
Anna garashadaydiyo,
Garaadkaygu ima siin,
Hantidayda gaarkaa,
Oo ii gingiman weli,
God madaw inaan dhigo.
Maan garan waxan falay,
Dembigaan ka galay ruux,
Ee layga dhigay godob!
Ciil badan guhaad badan,
Gabbashiyo xanuun daran,
Iyo weliba guulguul,
Ayaa laygu ganayaa.
Mana gaysan eed weli,
Hablaa ilaa gudboonee
Guudkoodu dabanyahay,
Waa layga gaabshaa.
Kalgacayl ma gudan karo,
Quruxdana ma gadan karo,
Wiil ilama gudi karo,
Goobaha ma tegi karo
Magac kama gilgilan karo
Haybtana ma gubi karo,
Beelaha ma geli karo,
Sidu guulle iga dhigay,
Qofna igama goyn karo.
Gef diineed ma odhan karo,
Garnaqsiga ma dhigan karo,
Dawladaha ma gayn karo,
Oo lama garrami karo.
Gunnimadu ma waartoo,
Waa geeddi duniduye,
Intaan geeri loo bixin,
Nimanyahaw geyiga idil,
Golayaasha joogee,
Dadka kala guraayee,
Gooni nooga saarow,
Waxan ahay Gabooyee,
Ma i guursanaysaan?!.
Dhammaad.